Labada gole oo ansixiyay Miisaaniyada sanadka 2020

HomeWararka

Labada gole oo ansixiyay Miisaaniyada sanadka 2020

Xildhibaanada Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ayaa kulan ay yeesheen waxa ay goordhow ku ansixiyeen Miisaaniyadda Sanadka 2020. 188 Xildhibaan ayaa o

SIDEE AYAY U DHACEY DOORASHADA AFAR KURSI OO MAANTA GAROOWE LAGU DOORTEY
Ciidamadda Dowladda ee gobalka Bakool oo mushaar la’aan ka cabanaya
Laba Bilood Kadib Maxaa U Qabsoomay Wasaaradda Dastuurka Soomaaliya?

Xildhibaanada Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ayaa kulan ay yeesheen waxa ay goordhow ku ansixiyeen Miisaaniyadda Sanadka 2020.
188 Xildhibaan ayaa ogolaatay ansixinta Miisaaniyadda Sanadka 2020 , hal xildhibaan ayaa diiday halka ay labo xildhibaan oo kalena ka aamuseen

Wasiirka Maaliyada Xukumada Faderaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa horgeeyay sharciganGolaha Sharci dajinta ee labada aqal.

Miisaaniyadda sanadka 2020 ayaa gaareysa $459.5 Milyan, waxaana kala bar lacagtaas ay tahay deeqaha dibadda ka imaanaya ee dowladaha iyo Hey’addaha deeq bixiyeyaasha ay ku kabayaan Miisaaniyadda dowladda Federaalka.

Ansixinta miisaaniyaddaan ee Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku soo beegmaysa maalintii ugu dambaysay sanadka 2019, si sanadka 2020 oo berri ka bilaabanaya loogu shaqeeyo miisaaniyadda cusub.

Waa markii ugu horeysay ee ay labada gole si wadajir u ansixiyeen miisaaniyada,iyadoo hore golaha Shacabka oo kaliya u ansixiyeen miisaaniyada.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: