Ciidamadda Dowladda ee gobalka Bakool oo mushaar la’aan ka cabanaya

Ciidamadda Dowladda ee gobalka Bakool oo mushaar la’aan ka cabanaya

Ciidamo ka tirsan Milatariga Soomaaliya ayaa maanta hakad geliyay shaqooyinkii ka socday xarunta maamulka gobolka Bakool, iyagoo ka cabanayay mushaar la’aan.

Sida wararku sheegayaan Ciidankan ayaa muddo shan bilood ahaa mushaar la’aan, isla markaana ka maqnaa xuquuqyo kale, iyagoo maanta diiday in gudaha loo galo xafiiska Guddoomiyaha gobolka Bakool Maxamed Cabdi Tool.

Waxaa ay sheegeen in aysan xarunta ka baxeynin inta meel laga saarayo mushaaraadka ka maqan oo aysan garaneynin cid ay kala hadlaan, maadaama ay isku tuur tuur gashay, sidoo kale waxaa ay ku doodayeen in meelo duur kula dagaalamaan Al-Shabaab.

Guddoomiyaha magaalada Xudur Maxamed Macalin ayaa warbaahinta gudaha u sheegay inay u cabsanayaan iney faraha ka sii baxdo amniga gudaha ee magaalada Xudur oo aheyd meel duleedyadeeda Al-Shabaab joogaan, kuwaasoo go’doon hore u galiyay magaalada.

“Maanta waxaa dhacday in Guddoomiyaha gobolka xafiiskiisa lagu qabsado oo ciidamo Milatari ah ay ku qabsadaan oo ay leeyihiin mushaar ayaan kaa rabnaa, Guddoomiye gobol muxuu mushaar ka ogyahay, meeyay Wasaaradda Gaashaandhigga, Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha u raadsadaan, gobol Soomaaliya ka tirsanaa nahay cid noo timid ma jirto, madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaraaha sidan hanoo dhaamaan” ayuu yiri Maxamed Macalin

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com