Madaxweyne Laftagareen oo Baydhabo dib ugu laabtay

HomeWararka

Madaxweyne Laftagareen oo Baydhabo dib ugu laabtay

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo wafdi uu hogaaminayo oo Safar ugu Maqnaa Dalka Nigeria ayaa m

QARDHO: Garoonka Kubbada cagta oo la dayactirayo
Ciidamo ka cabanaya Mushaar la’aan oo xirtay qaar kamid ah Wadooyinka Muqdisho
Madaxwaynaha Soomaaliya oo kusii jeeda xarunta Midowga Yurub ee Brusless

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo wafdi uu hogaaminayo oo Safar ugu Maqnaa Dalka Nigeria ayaa manta dib ugu soo laabtay Magaalada baydhyabo.

Laftagareen ayaa dalka Nigeria u tegay casuumaad uu ka helay Madaxweynaha ismaamulka Kaduna, waxana uu uu halkaasi ku sugnaa uu Saxiixay heshiis is afgarad oo ku saabsan,Wadashaqayn,Iskaashi iyo Mataaneyn Labada Dowlad Goboleed.

Sidoo kale Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa ka qeyb galay shirka Gollaha Wasiiradda Maamul Goboleedka Kaduna ee Dalka Nigeria,isaga oo ga warbixiyay xaalada dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa waxaa la tilayaa in todbaadkaan uu uga warbixiyo golihiisa Wasiirada shirarkii uu uga qeyb galay dalka Nigeria.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: