Faysal Cali Waraabe: “sharci ka dhan ah Calanka Soomaaliya ayaan soo saari doona

Faysal Cali Waraabe: “sharci ka dhan ah Calanka Soomaaliya ayaan soo saari doona

Guddoomiyaha xisbiga UCID ee mucaaradka Maamulka la magac baxay Somaliland Feysal Cali Waraabe in la soo saari doono sharci dambi ka dhigaya in gudaha Somaliland lagu sito calanka Soomaaliya.

Warkan ka soo baxay Feysal Cali Waraabe oo ka mid ah siyaasiyiinta aadka uga soo horjeeda dowlada Soomaaliya ayuu ka jeediyay magaalada Boorama oo dhowaan dhalinyaro badan lagu arkay iyagoo haysta calanka Soomaaliya xilligii lagu jirey dabaaldegyada maalmaha xoriyada.

“Sharci baa la soo saaraya, qofkii lagu arko in uu sito calanka Soomaaliya waa dambigeeda waa la qoraya, xeer baa laga soo saaraya”ayuu yiri Feysal Cali Waraabe.

Sidoo kale Feysal Cali Waraabe waxa uu sheegay in la soo saari doono xeer tallaabo looga qaadayo dadka jeedinaya hadallada colaada horseedi kara.

Maamulka Somaliland ayaa muddo dheer raadinayay inuu helo aqoonsi hase yeeshee waxaa illaa iyo hadda uu kuguuleysan waayay inuu helo aqoonsi inkastoo uu maamulkaasi ay ka dhacday doorasho.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com