Ciidamo ka cabanaya Mushaar la’aan oo xirtay qaar kamid ah Wadooyinka Muqdisho

Ciidamo ka tirsan Milateriga dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xirtay waddo ku dhow Xarunta Madaxtooyada, iyagoo ka cabanaya mushaar la’aan bilooyin ah.

Sida wararku sheegayaan ciidankan ayaa xirtay Daljirka Dahsoon illaa wadada dhanka Xaawo Taako oo ah koontaroolka ugu horeeya ee laga ilaaliyo Madaxtooyada.

Ciidanka ayaa ka tirsan qeybta 27aad ee xoogga dalka, waxaana ay ku hubeysan yihiin gaadiidka dagaalka.

Saraakiil ka tirsan ciidanka Milateriga ee qeybta 27aad ayaa sheegay in muddo sanad iyo bilooyin aanan la siinin wax mushaar ah oo ahaa xaqooda.

Waxaa kaloo ay sheegeen in la tirakoobay dhamaadkii sanadkii 2018, oo aanay jirin illaa hadda wax akoonkooda ugu soo dhacay, iyagoo intaa ku daray inay soo socdaan Ciidamo kale oo ku sugan inta u dhaxeysa Balcad iyo Jowhar.

Ciidankan ayaa ka howlgala Gobolada Shabeellaha Dhexe iyo Gobolka Hiiraan oo ah qeybta 27aad.

Diwaanka wararka
Radio Daljir


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com