MADAXWEYNE FARMAAJO OO QAATAY TALLAALKA CUDURKA COVID-19 EE LA SOO GAARSIIYEY DALKA

HomeWararka

MADAXWEYNE FARMAAJO OO QAATAY TALLAALKA CUDURKA COVID-19 EE LA SOO GAARSIIYEY DALKA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo qaatay tallaalka Cudurka COVID-19 ayaa adkeeyey masuuliyadda a

Xildhibaan Cabdisamad Macalin oo ku tilmaamay Khilaafka Barlamaanka Mid niyad jab ku ah shacabka (dhegayso)
Warka Fiidnimo, Maxamed Lakiman, Daljir Boosaaso (dhegayso)
Wafdi ka socda DFS oo shir uga qayb galaya Cumaan

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo qaatay tallaalka Cudurka COVID-19 ayaa adkeeyey masuuliyadda adag ee shacab iyo dowladba inaga saaran samatabixinta caafimaad iyo nololeed ee dalkeenna.

Madaxweynaha ayaa xoojiyey walwalka ku aaddan in ay yartahay feejignaanta shacabka Soomaaliyeed ee cudurkan iyo halistiisa sii kordheysa, iyadoo la fududeysanayo talooyinka iyo awaamirta caafimaad ee lagu ilaalinayo badqabkeenna.

“Masuuliyad adag ayaa inaga saaran daryeelka muwaadiniinteenna si aan uga hortagno in uu soo rito cudurkan safmarka ah ee dunida aafeeyey. Muhiimadda ugu weyn waa in aan dadaal kasta gelinnaa ka hortagga cudurkan innaga oo xoojineyna tayada iyo adeegyadeenna caafimaad.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku bogaadiyey Wasaaradda Caafimaad XFS, dhakhaatiirta, kalkaaliyeyaasha, Adeegayaasha iyo guud ahaan Bahda Caafimaadka dalkeenna dadaalka mugga weyn ee ay ku bixinayaan badqabka caafimaad ee shacabka Soomaaliyeed, iyagoo ku shaqeynaya duruufo adag.

Madaxweynaha oo ku ammaanay Xukuumadda uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble dadaalka ay ku bixisay in tallaalka Cudurka COVID-19 uu soo gaaro dalkenna ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay wada-shaqayn xooggan ee ka dhaxeysa Guddiga heer Federaal ee Xakameynta Cudurka COVID-19 iyo Guddiyada heer Dowlad Goboleed, taas oo aasaas u ah daadejinta adeegyada cafimaad ee lagu wajahayo cudurkan safmarka ah.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: