Guddiga doorashooyinka oo war ka soo saaray xaaladda doorashada dalka

HomeWararka

Guddiga doorashooyinka oo war ka soo saaray xaaladda doorashada dalka

Guddiga lagu muransan yahay Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ayaa soo dhaweeyay kulanka loo madlan yahay ee dhinacyada hoggaanka Golaha siyaasa

Axmed Madoobe: “Xildhibaanada faderaalka hatagaan deegaanada laga soo doortay” (sawiro)
LAASCANOOD: Hoggaanka sare ee SSC-Khaatumo ayaa maanta xilka kala wareegay Guddiga 33-da SSC-Khaatumo
FALCELINTA SHAABKA Gaalkacyo ee ka qaadista Soomaaliya cunaqabataynta hubka

Guddiga lagu muransan yahay Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ayaa soo dhaweeyay kulanka loo madlan yahay ee dhinacyada hoggaanka Golaha siyaasadda ay qorshaynayaan in ay deg deg u qabtaan, una xalliyaan tabashooyinka jira si dalka ay uga bilaabato doorasho loo dhan yahay oo caddaalad u dhacda, taas oo ah himilada ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.

Guddiga lagu muransan yahay ee lagu eedeeyay in ciidamo iyo Shaqaalle rayid ah ay yihiin ayaa hoggaamiyayaasha Golaha siyaasadda ugu baaqay in ay ku daraan arrimaha doorashada ee go’aammada ka gaarayaan sidii loo xaqiijin lahaa qoondada haweenka ee ka mid noqoshada baarlamaanka 11aad ee 2021, qoondadaas oo ku cadayd heshiisyadii horey loo gaaray oo dhigaya in xubnaha baarlamaanka ay 30% noqdaan haween.

“Guddigu, isagoo maanka ku haya caqabadaha kala duwan ee haweenka hortaagan, sida tan ka imaanaysa wax qaybsiga qabaa,ilka iyo duruufaha dhaqaale ee jira waxa aan usoo jeedinaynaa Golaha wadatashiga Qaran in khidmada lacagta laga dhimo 50% haweenka tartamaya” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay guddiga.

Ugu danbeyntii, guddigu lagu muransan yahay wuxuu ugu baaqay markale, Dowladda federaalka soomaliya iyo dowladaha xubnaha ka ah in ay fuliyaan heshiiskii doorashada ee 17 Sebtember 2020.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: