Axmed Madoobe: “Xildhibaanada faderaalka hatagaan deegaanada laga soo doortay” (sawiro)

Axmed Madoobe: “Xildhibaanada faderaalka hatagaan deegaanada laga soo doortay” (sawiro)

Madaxwaynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe oo ka mid ah madaxda dowlad goboleedyada ee ka qaybgalaya shirka wadatashiga ee madaxda dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada ayaa xildhibaano katirsan baarlamaanka kula kulmay magaalada Muqdisho.

Madaxwayne Axmed Madoobe oo ka hadlayay kulanka ayaa ku dheeraaday xaaladda guud ee deegaamada Jubaland, waxaana uu sheegay inay xaaladda tahay mid wanaagsan marka laga reebo ururka Al-shabaab oo ku sugan deegaano katirsan gobolka.

Waxaa uu ku booriyay xildhibaanada baarlamaanka inay xil iska saaraan deegaanada laga soo doortay oo ay ku shaqeeyaan, ayna la qaybsadaan bulshada soo dooratay xaaladaha ay ku suganyihiin.

Hadalka madaxwaynaha Jubaland ayaa kusoo beegamaya xilli xildhibaanada lagu dhaliilo inaanay tagin meelaha laga soo doortay, kaliyana ay isku koobaan magaalada Muqdisho.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com