Wafdi ka socda DFS oo shir uga qayb galaya Cumaan

Wafdi ka socda DFS oo shir uga qayb galaya Cumaan

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo tacliinta Sare Ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre iyo wafdigii la socday ee ku sugnaaa magaalada Muscat ee dalka Oman ayaa maanta waxaa si rasmi ah ugu furmay shirkii MENA INNOVATION qeybtiisa 1-aad oo ay shirkadaha caalamiga ah kusoo bandhigayeen hal-abuurkooda teknoolajiyada lagu horumarinayo Waxbarashada iyo tacliinta sare.

Magaalada Muscat ee dalka Oman Teknoolajiyada lasoo bandhigayo waxaa qeyb ka tahay Horumarinta waxbarashada.

Wasiirka wasaaradda waxbarashada Cabdullahi Goodax Barre ayaa sheegay in shirkani Shirkaduhu kusoo bandhigayeen hal-abuurkooda teknoolajiyada casriga ah.

“Waxaa maanta noo furmay shirkii MENA INNOVATION qeybtiisa 1-aad oo ay shirkadaha caalamiga ah kusoo bandhigayeen hal-abuurkooda teknoolajiyada lagu horumarinayo waxbarashada iyo tacliinta sare. Teknoolajiyada lasoo bandhigay waxaa qeyb ka ahaa qaar badan oo aan aad u daneyneynay oo in muddo ah qorshihiisa ku jirnay.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com