Madaxweyne Farmaajo oo Madax Kala Duwan Kula Kulmay New York

HomeWararka

Madaxweyne Farmaajo oo Madax Kala Duwan Kula Kulmay New York

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa, intii lagu guda jiray Shirka 74aad ee Qaramada Midoobay, wa

Madaxweynaha Puntland oo Si Kumeel Gaar Ah Degmada Bursaalax Ugu Magacaabay Guddoomiye Iyo Guddoomiye Ku-xigeen.
17 Ruux oo ku dhaawacmay rabshado cusub oo ka dhacay masaajidka Al-Aqsa
CAJIIB: Wiil Dilay Hooyadii isagoo Qancinaya Xaaskiisa

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa, intii lagu guda jiray Shirka 74aad ee Qaramada Midoobay, waxa uu wada hadallo kula yeeshay Magaalada New York Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga Mudane Rajab Dayib Erdogan.

Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee Soomaaliya iyo Turkiya iyo sidii loo sii dardargelin lahaa iskaashiyadii hore uga dhaxeeyay labada dal.

Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa kulan la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Belgium Mudane Charles Michel waxaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka labada dal, kaalinta Belgium ee dib u dhiska Soomaaliya iyo sidii Midowga Yurub u sii dardargelin lahaa taageerada uu ku bixiyo dowlad-dhisidda Soomaaliya.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: 0