Xildhibaano eedeyeey Madaxweynaha DFS

HomeWararka

Xildhibaano eedeyeey Madaxweynaha DFS

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka ayaa kulan ay ku yeesheen Muqdisho ka soo saaray war saxaafadeed xaalada uu dalka

Maalinta Calanka Qaranka Somaliyeed oo Lagu Qabtay Garowe (dhegayso)
Dowladda oo xabsiga Xamar ka siidaysay maxaabiis cafis loo fidiyay
Warka Arooryo iyo Xuseen Madar, Daljir Boosaaso (dhegayso)

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka ayaa kulan ay ku yeesheen Muqdisho ka soo saaray war saxaafadeed xaalada uu dalka marayo, iyagoo soo hadal qaaday qaar ka mid ah qodobada dastuurka oo ay ku eedeeyeen in Madaxda dowladdu ay baalmareen, taasoo ay ku tilmaameen khiyaano Qaran.

Sidoo kale waxay caddeeyeen in Madaxweynuhu dayacay mas’uuliyaddii waajibaadkii masiiriga ahaa ee loo doortay, sida Ilaalinta Dastuurka iyo shuruucda dalka.

War saxaafadeedka ayaa waxay ugu baaqeen dowladda Federaalka in si shuruud la’aan xayiraada looga qaado Jubbaland iyo in loo saaro guddi baaritaan ku sameeya waxyeelada bani’aadanimo ee ka dhalatay cunaqabateyn la saaray reer Jubbaland.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: