Dowladda oo xabsiga Xamar ka siidaysay maxaabiis cafis loo fidiyay

HomeWararka

Dowladda oo xabsiga Xamar ka siidaysay maxaabiis cafis loo fidiyay

Dowladda Soomaaliya ayaa xabsiyada ka sii daysay maxaabiis kuwaasoo uu cafis u fidiyay Madaxweynaha muddo xileedkiiso dhammaaday Maxamed Cabdullaahi F

Golaha Taabagelinta Dawladnimada Puntland ayaa war saxaafadeed ka soosaaray xaaladda Puntland
Ciidamada Xoogga Dalka oo la Wareegay Deegaano Horleh ee Shabeelada Dhexe (dhegayso)
Xulashada Daljir iyo Maxamuud Cabdi Ibraahim (dhegayso)

Dowladda Soomaaliya ayaa xabsiyada ka sii daysay maxaabiis kuwaasoo uu cafis u fidiyay Madaxweynaha muddo xileedkiiso dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaa xabsiga Dhaxe iyo Xabsiga MBC kasii daayay maanta 179 maxbuus oo ku xukunaa danbiyo kuwaasi oo madaxweynaha JFS uu u fidiyay cafis munaasabadda Ciidda awgeed.

Xeer ilaaliyaha Qaranka ayaa sheegay in maxaabiista maanta laga siidayay xabsiga ay ku eedeysanaayeen dambiyo fudud.

Waxaa uu tilmaamay in maxaabiista intii ay xabsiga ku jireen in la baray waxyaabo ay kamid yihiin Farsamada gacanta.

Sidoo kale waxaa dhawaan laga sii daayay xabsi ku yaal magaalada Baydhabo illaa toban maxbuus oo uu cafis u fidiyay madaxweynaha maamul goboleedka Koofurgalbeed Cabdicasiis Xasan Laftagareen.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: