CAJIIB: Wiil Dilay Hooyadii isagoo Qancinaya Xaaskiisa

CAJIIB: Wiil Dilay Hooyadii isagoo Qancinaya Xaaskiisa

Dhacdadan ayaa noqotay mid laga wada Naxo kadib markii wiil uu hooyadiis dilay ,isago qancinaya Xaaskiisa .
Arintan ayaa la sheegay inay kadhacday magaalladda Alesenkandariya ee dalka Masar, waxayna Dhimashadda Marxuumadda ayaa timid, kadib, markii uu Wiil ay dhashay uu si xun u garaacay.

Warbaahinta dalkaasi ayaa qortay in uu hooyadaasi uu wiilkeeda garaacay ilaa ay ka miyir doorsoonto, wuxuuna falkaasi u sameeyey si uu u qanciyo Xaaskiisa oo la sheegay inay ku dirtay, kadib markii ay ka cabatay Hooyadiisa.

Ninka caasiga oo aan magaciisa la shaacinin ayaa la sheegay markii ay hooyadiisa miyir beeshay inay isaga iyo xaaskiisa u qado doonteen Baar ku yaallo meel aan ka fogeyn gurigooda.

Dhiigga ka qulqulayey Marxuumadda waxa uu gaaray bannaanka qolkii lagu jir-dilay, waxaana u soo gurmaday dadka deriska, kuwaasi oo jebiyey qolkii lagu xiray Marxuumadda.

Waxay ula carareen Isbitaalka, balse waxay u geeriyootay dhaawacyadii uu Wiilkeeda gaarsiiyey.

Markii ay Wiilkii iyo Xaaskiisa ogaadeen wixii dhacay ayey isku dayeen inay baxsadaan, balse, Ciiddanka Ammaanka ayaa ku guuleystay inay xiraan wiilkii geystay dembigaas.

Arintan ayaa noqotay mid laga hadal hayo baraha bulshada ku kulmaan waxayna noqotay dhacdo layaab iyo fajac ku noqotay dadka reer Masar .

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com