Madaxweyne Farmaajo oo dib ugu laabtay Muqdisho

HomeWararka

Madaxweyne Farmaajo oo dib ugu laabtay Muqdisho

Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kaddib sagaal cisho oo

Shacabka jigjiga oo dhigay banaanbax looga soo horjeedo xasuuqa Garbociise (Daawo)
Dagaalkii Dhuusamareeb oo makhribkii istaagay iyo dadaallo kala duwan oo socda
Madaxwaynaha Soomaaliya oo hambalyo u diray shacabka

Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kaddib sagaal cisho oo uu ku sugnaa magaalada Garowe.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Garowe ku sagootiyay Madaxweynaha Puntland iyo kuxigeenkiisa.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Garowe ka soo laabtay, iyadoo aan wax natiijo ah ka soo bixin shirkii madaxda dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada.

Shirka Garowe oo shan maalin ka socday madaxtooyada Puntland, mararka qaarna dooda shirka ay qaadaneysay xilli saq dhexe ah ayaa lagu kala kacay gelinkii dambe ee Jimcihii, waxaana doodii Galmudug ku sii darsantay mida Kismaayo oo Khamiistii is rasaaseyn ay ka dhacday garoonka diyaaradaha Kismaayo, taasoo soo dadajisay fashilka shirka.

Madaxweynayaasha Galmudug iyo Jubaland ayaa barqanimadii shalay isaga tagay magaalada Garowe, halka Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo duqa Muqdisho ay galabnimadii ka soo ambabaxeen, mana jirto wax balama ah oo la og yahay oo ay dhigteen madaxda Soomaalida.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: