Somaliland: Guddiga joogtadda ah ee Maamulkaas oo Xarigi xildhibaan Dhakool Cambareyeey

Somaliland: Guddiga joogtadda ah ee Maamulkaas oo Xarigi xildhibaan Dhakool Cambareyeey

Kulan ay Maanta Magalada Hargeysa ku yeesheen Guddiga joogtada ah ee golaha wakiillada Somaliland waxaa ay ku diideen in xasanaanada laga qaado Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool oo ka mid ah Golaha Wakiilada Sopomaaliland.

Guddiga ayaa Xeer ilaalinta Soomaaliland waxa ay u soo gudbisay in xasaanada lagala laabto Xildhibaanka,hayeeshee Guddiga ayaa taasi ka biya diiday,iyaga oo dalbaday in Xildhibaanka xurriyadiisa la siiyo.

Guddiga ayaa sidoo kale waxaa ay amaaneyn go’aankii uu qaatay Guddoomiyaha Maxkamada Gobolka Maroodi-jeex ee uu ku diiday in uu qaado dacwada Xildhibaan Dhakool,isla markaana uu ku sheegay in xildhibaan xasaanad leh uusan dacwadiisa qaadi karin.

Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool oo ka mid ah Golaha Wakiilada Soomaaliland ayaa haatan ku xiran Xabsi ku yaalla Magalada Hargeysa,waxaana lagu heystaa hadal uu siiyey Warbaahinta oo uu ku sheegay in Maalinta 18 May aysan aheyn Maalin Qaran basle ay tahay Maalin u gaar ah Ururka SNM.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com