Dagaalkii Dhuusamareeb oo makhribkii istaagay iyo dadaallo kala duwan oo socda

Dagaalkii Dhuusamareeb oo makhribkii istaagay iyo dadaallo kala duwan oo socda

Xaaladda magaalada Dhuusamareeb ayaa caawa degganaansho aan badnayn uu ka muuqda kadib markii makhribadii uu istaagay dagaalkii u dhaxeeyey ciidamada dawladda federaalka ee ku sugan Dhuusamareeb iyo kuwa Ahlusunna Waljamaaca, oo laftigooda ay xarun u ahayd magaaladaasi muddo dheer.

Inta la hubo dad ka badan 15 oo ruux oo labada dhinac ah ayaa dagaalkaasi ku dhintay, tiro intaas ka badanna waa ay ku dhaawacantay.

Dagaalkaan oo waa soo dhawaadkii saaka bilawday ayaa dhimashada iyo dhaawaca ka sokow sababay burbur hantiyeed iyo barakac baahsan oo ka dhacay magaalada Dhuusamareeb, waxaana dagaalkaani uu la mataansanaa mid kale oo isna isla maanta ka dhacay Guriceel, sidaasi si la mid ahna u dhaxeeyey Ahlusunna iyo dawladda dhexe ee federaalka.

Tan iyo markii makhribnimadii caawa xabbaddu hakatay waxaa soo baxayey warar kala duwan oo tilmaamaya jiritaanka waan-waano nabadeed iyo wada-hadallo xabbadda xal loogu baddelayo.

Wararka qaar waxay tilmaamayaan in ciidamada AMISOM ee Dhuusamareeb ku sugan ay isku dayeen in ay kala dhexgalaan labada dhinac ee dirirtu u dhaxayso, balse ay ku guuldarraysteen arrinkaas sabab jira dartood.

Dhinaca kale warar isla caawa ka soo baxay Dhuusamareeb waxay tilmaamayaan in qaar ka mid ah ciidamadii u dagaallamayey Ahlusunna ay banneeyeen barahoodii, una wareegeen xagga dawladdan sidoo kalana ay suuragal tahay madaxda Ahlusunna laftigoodu in ay xabbad joojin qaateen, hase ahaatee aysan ku kalsoonayn gacanta dawladda, balse ma jirto cid si rasmi ah u xaqiijin karta, welina ma jiro war buuxa oo fasiraya sida wax u socdaan saacadihii dambe oo labada dhinac midkoodna ay warbaahinta siiyeen.

Ahlusunna, ayaa ah garab siyaasadeed oo muddo dheer ku jiray loolan la xiriira hoggaanka Galmudug, waxaana burburay heshiisyo kala duwanaa dawladda dhexe iyo maamulkii hore ee Galmudug.

Diiwaanka Wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com