Injineer u dhashay dalka Turkiga oo ku geeriyooday Qarax ka dhacay Muqdisho

Injineer u dhashay dalka Turkiga oo ku geeriyooday Qarax ka dhacay Muqdisho

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax xooggan oo maanta duhurkii ka dhacay inta u dhaxeysa Isgoysyada Taleex iyo KM4 ee wadada Maka Al-Mukarama.

Sida wararku sheegayaan qaraxa waxa uu qabsaday gaari nuuca loo yaqaano HILUX, iyadoo jugta qaraxa laga maqlay xaafado ka mid ah magaalada Muqdisho.

Inta la ogyahay waxaa qaraxaasi ku geeriyooday Injineer Turki ah oo watay gaariga, kaasoo dhaawac ahaan ugu geeriyooday Isbitaalka Digfeer.

Warar is khilaafsan ayaa ka soo baxaya nooca qaraxa, wararka qaar waxa ay sheegayaan inuu ahaa nooca gaariga lagu dhejiyo, halka warar kalena sheegayaan inuu ahaa miino wadada dhinaceeda la dhigay.

Ciidamada amaanka oo gaaray goobta qaraxa uu ka dhacay ayaa baaritaan ka sameeyay goobta, iyagoo su’aalo weydiiyay howlwdeenadii ay marxuumka wada shaqeynta lahaayeen

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com