Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynaha Koofur Galbeed oo xalay kulmay

HomeWararka

Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynaha Koofur Galbeed oo xalay kulmay

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed C/Casiis Lafta Gareen ayaa xal

HADAL JEEDINTII DUQA DEGMADA BOOSAASO EE SOO DHOWEYNTII MADAXWEYNE DENI (DAAWO)
Faahfaahin: Qarax ka dhacay Muqdisho
Madaxweyne Maduro oo xayiraad lagu soo rogay

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed C/Casiis Lafta Gareen ayaa xalay kulan saacado badan ku yeeshay Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia.

Kulankan ayaa looga hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan caqabadaha arrimaha doorashada ka taagan iyo sidii looga gudbi lahaa.

Ilo ku dhow dhow kulanka ayaa sheegaya in wada hadalada Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynaha Koofur Galbeed uu ku soo biiri doono Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor oo maanta ku soo wajahan Muqdisho.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo uu dadaal ugu jiro sidii loo qaban lahaa doorashada Aqalka Sare, si ay u dhaqna gasho jadwalka uu soo saaray Guddiga lagu muransan yahay ee doorashada heer Federaalk.

Waxaa jira qorshe maamulka dowlad goboleedka Koofur Galbeed ku noqonayo maamulkii u horreeyay ee bilaaba doorashada Aqalka Sare, inkastoo Madaxweynaha Koofur Galbeed C/casiis Lafta Gareen uu Turkiga u ambabaxay markii Guddiga soo saareen jadwalkii fashilmay ee doorashadii aqalka Sare ee lagu waday in la qabto dhammaadkii sanadkii hore.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: 0