Puntland, Rajada Soomaaliya & Madaxweyne Deni oo waxbarasho & waxqabad u ballanqaaday gabar indhaha la’

HomeWararka

Puntland, Rajada Soomaaliya & Madaxweyne Deni oo waxbarasho & waxqabad u ballanqaaday gabar indhaha la’

Dhegayste Radio Daljir: Rajada Soomaaliya waa mid jidha, jiri doonta inta Puntland ay jirto! Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaa

Dowladda Somaaliya oo markale ku baaqday joojinta dagaalka galbeedka kismaayo
Maxaa looga hadlayaa shirka Muqdisho uga bilaabanaya goordhow dalalka Soomalia, Ethopia, Jabuuti iyo Kneya?
Wasaarada Ganacsiga iyo warshadaha ee Dowlada fadaraalka Soomaaliya oo dib u eegis ku samayanysa Wakiilada (dhegayso)

Dhegayste Radio Daljir: Rajada Soomaaliya waa mid jidha, jiri doonta inta Puntland ay jirto!

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Ayaan Xasan Ducaale oo ah gabar 7 sano jir ah oo arraga naafo ka ah. Ayaan ayaa maalmo kahor fariin maanso ah hawada u soo marisay Madaxwayne Deni, ayada oo codsatay in xaaladeeda nololeed iyo tan waxbarasho wax laga qabto, ayada iyo inta ay isku baahida yihiinba.

Waa tan Ayaan oo farrinteeda ka soo jeedineysa bandhig-carweedkii Bossaso ee asbuuc kahor.

Kulanka waxaa ka qaybgalay Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Puntland Mudane Maxamed Ceydiid, xubno ka mid ah Ganacsatada Puntland, iyo Xaawo Jaamac Cabdi oo ka timid Hargeysa, kanamid ah dadka aragga naafada ka ah, una ololeeya naafada aragga la’ iyo waliba qoyska Ayaan Xasan Ducaale.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Ayaan u ballanqaaday in Puntland ay ka caawin doonto helitaanka dhakhtar dalka dibaddiisa si loogu soo celiyo araggeeda. Sidoo kale Madaxweyne Deni ayaa ballanqaaday in Dowladdu ay wax ka qaban doonto xaaladaha nololeed iyo kuwa waxbarasho ee dadka qaba baahiyaha gaarka ah ee dhanka naafada, kuna nool Puntland ama Puntland u soo hayaamay.

Ayaan Xasan Ducaalle oo u jawaabaysa Madaxweyne Deni ayaa sheegtay in ay aad ugu faraxsantahay in Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni uu qaabilay, waxayna ka mahadcelisay ballanqaadka Madaxweynaha, mid shakhsiyeed iyo kiisa dadka kale ee la baahi ah.

Hore waxaa waxbarashada indhoolayaasha Garoowe ugu soo dhoofay Hooyo Caasha Jaamac Dalmar, kana soo haajirtay Burco, Togdheer. Hooyo Casha ayaa hadda weli waxkabarata iskoolka indhoolayasha Garoowe, waxaana waraystay Xaawo Axmed oo ka tirsan bahda Daljir Garoowe.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

FG: Qoraal hore oo Daljir ku soo baxay waxaan qaladnay in Ayaan aysan Hargeysa ka iman ee ay ku dhalatay kuna barbaartay Bossaso. Hargeysa waxaa ka yimid Xaawo Jaamac Cabdi oo kamid ah dadka aragga naafada ka ah, una ololeeya naafada.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: 0