Maamulka Jubbaland oo ciidamo daraawiish ah geeyay Baladxaawo

Maamulka Jubbaland oo ciidamo daraawiish ah geeyay Baladxaawo

Maamul goboleedka Jubblanad ayaa magaalada Baladxaawo geeyay ciidamado Daraawiish ah,kuwaas oo ku biiraya ciidamo hore duleedka magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo ugu sugnaa.

Gudaha magaalada Beledxaawo ayaa waxaa ku sugan ciidamada dowlada federalka kuwaasoo laga qaaday magaalada Muqdisho.

Hay’adaha ammaanka Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in Ciidamadan ay Xasilooni iyo daganaansho kusoo dabaali doonan deegaanadan oo maalmahii lasoo dhaafay ay ka jirtay rabshado iyo falal amaanka lid ku ah sida ay sheegeen.

Magaalada Dhoobley ee gobolka Gedo ayaa waxaa dhowaan gaaray Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe isagoo kula kulmay saraakiisha ciidamada ee halkaas ku sugan.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com