Madaxweynayaasha Itoobiya & Kenya oo xariga ka jaray waddo laami ah

HomeWararka

Madaxweynayaasha Itoobiya & Kenya oo xariga ka jaray waddo laami ah

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyata ayaa Maanta siwadajir ah xariga uga jaray Wadada laamiga ah Ee Mooyaale oo

Gudoomiyaha Barlamaanka Hirshabeelle oo Ku Wajahan Jowhar
Nicholas Haysom oo khudbad ka jeedin doona Golaha Ammaanka ee QM
Dab khasaare gaystay oo ka kacay kaam ku yaala Bosaaso (dhegayso)

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyata ayaa Maanta siwadajir ah xariga uga jaray Wadada laamiga ah Ee Mooyaale oo Isku xirta Labada Wadan ee Kenya & Itoobiya.

Wadadaan oo la sheegay in dhererkeeda uu yahay 500km ayaa loo maraa isku xirta Magaaloyinka Mombasa & Nairobi oo Kenya ah iyo Magaalada Addis Ababa oo Itoobiya ka tirsan.

Wadadan ayaa waxaa lagu dhisay kharash dhan 6.3 Bilyan oo Birr oo ay ka qeyb qaadanayaan saddex Shirkado qandaraaslayaal ah, waxaans idoo kale wadadaaan ay isku xireeysaa Addis Ababa iyo Qaahira, Gaborone, Cape Town iyo Mombassa, Kenya iyo sidoo kale Koonfurta Suudaan iyo dekedda Lamu ee Kenya.

Madashii Xariga lagaga Jarayay wadadan ayaa waxaa ka qeyb galay masuuliyiin kala duwan Oo labada dowladood ah iyo Xubno kale, waxana ay fududeyneysaa arrimaha la xiriira socdaalka iyo kormeerka caafimaadka ee aagga xuduudaha.

Diwaanka wararka
Warbaahinta Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: