Nicholas Haysom oo khudbad ka jeedin doona Golaha Ammaanka ee QM

Nicholas Haysom oo khudbad ka jeedin doona Golaha Ammaanka ee QM

Golaha Ammaanka ee QM ayaa maanta yeelanaya kulan gaar ah oo ay uga hadlayaan xaaladda Soomaaliya, iyadoo khudbad uu ka jeedin doono Wakiilka QM ee arrimaha Soomaaliya Nicholas Haysom oo dhowaan ay dowladda faderaalka Soomaaliya ay dalka ka eriday.

Kulanka ayaa looga hadli doonaa xaaladda xuquuqda aadanaha ee Soomaaliya iyo arrimha banii’aadantinimada.

Wakiilka QM ee Soomaaliya Abuukar Baalle ayaa lagu wadaa inuu isaguna khudbad uu ka jeediyo fadhiga, isagoo ka hadli doona qorshayaasha dowladda faderaalka Soomaaliya ee arrimaha xuquuqda aadanaha.

Wakiilka QM ayaa kahor yimid xarigii Mukhtaar Roobow ee dowladda faderaalka Soomaaliya, taasi oo ay dowladda ay dalka uga eriday.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com