Madaxweynaha Puntland oo maamul u magacaabay degmadda Bali-dhidin

HomeWararka

Madaxweynaha Puntland oo maamul u magacaabay degmadda Bali-dhidin

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Lambar Lr-48 ugu magacaabay degmada Balli-dhiddin Guddoomiye iyo Guddoomiy

Ciidamada Danab ee Dowladda Soomaaliya oo xalay howlgal ka fuliyay Shabeelada hoose
Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa Soomaaliya ku wareejisay Lacag gaaraysa 9.6 Milyan oo Dollar
Guddoomiye Muudey oo Muqdisho dib ugu laabtay

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Lambar Lr-48 ugu magacaabay degmada Balli-dhiddin Guddoomiye iyo Guddoomiye Ku-xigeen ku-meel-gaar ah.

Madaxweynaha maamlka Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo-aragnimadooda shaqo.

Markuu garowsaday: in ay dhammaatay mudo xileedkii Golaha Deegaanka Degamadda Billi-dhiddin, walinna aysan suurto gelin in la dhiso Gole deegaan oo cusub.

Markuu tixgaliyey: Talo soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuquraadiyeynta Puntland.

Wuxuu xeeriyey:

Waxaa Maxamed Axmed Muumin si ku-meel-gaar ah loogu magacaabay Guddoomiyaha Degmada Balli-dhiddin.
Waxaa Cabdiqani Maxamuud Ciise si ku-meel-gaar ah loogu magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka Degmadda Balli-dhiddin.
Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: