Ciidamada Danab ee Dowladda Soomaaliya oo xalay howlgal ka fuliyay Shabeelada hoose

Ciidamada Danab ee Dowladda Soomaaliya oo xalay howlgal ka fuliyay Shabeelada hoose

Maamulka gobolka Shabeelada hoose ayaa ka hadlay howlgal ay ciidamada sida gaarka u tababaran ee Danab ay xalay ka fuliyeen gobolka Shabeelada hoose.

Guddoomiye kuxigeenka gobolka Shabeelada hoose Cabdi fitaax Xaaji Cabdulle ayaa sheegay howlgalka in lagu soo qabtay laba sarkaal oo sare oo katirsan Al-shabaab oo uu magacyadoodu ku sheegay Cabdi Kariin Abuu Xamza oo Shabaab u qabilsnaa dhanka Maaliyadda iyo Sheekh Muudeey oo dhanka Amniyaadka u qaabilsanaa,isla markaana ka mid ahaa Saraakiisha Shabaab ee ku soo tababartay dalka Afgaanistaan.

Guddoomiyaha ayaa sheegay inay ciidamada ku wareejin doonaan laamaha ammaanka iyo hay’adda garsoorka ee dowladda dhexe.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com