Guddoomiye Muudey oo Muqdisho dib ugu laabtay

Guddoomiye Muudey oo Muqdisho dib ugu laabtay

Magalada Muqdisho waxaa Maanta dib ugu soo laabtay Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Cabduweli Ibraahim Muudey oo maalmahaan safar dibadda ah ku maqnaa, iyada oo siweyn loo soo dhaweeyay.

Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka oo ay ku jiraan Xubno ka mid ah Golaha Wasiirada Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa ka qeyb qaatay soo dhaweyntiisa,waxaana guddoomiye muudeey uu ku maqnaa safar dhinaca dalka Turkiga ah.

Maalmihii la soo dhaafay waxaa la hadal hayay olole ku saabsan in uu jiro mooshin ka dhan ah Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Golaha Shacabka,balse aan weli soo shaac bixin,waxana Maanta loo soo dhaweeyay si ka duwan sidii hore.

Warbaahinta ayuu la hadlayay markii uu yimid Magalada Muqdisho ,isaga oo faah faahin ka bixiyay safarkii uu ku tegay dalka Turkiga iyo u jeedka ka dambeeysay.

Wararka qaar ee maalmahaan soo baxayay ayaa waxaa ay sheegayeen in Guddoomiye Muudeey uu kasoo horjeedo Sharciga doorashooyinka oo ay ansixiyeen Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com