Madaxweynaha Puntland oo hoygiisa ku qaabilay Guddoomiyaha gobalka Banaadir

Madaxweynaha Puntland oo hoygiisa ku qaabilay Guddoomiyaha gobalka Banaadir

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hoyga uu ka deganyahay Muqdisho ku qaabilay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed “Cumar Finish”.

Guddoomiye Cumar Finish ayaa Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ku bogaadiyey doorkii muhimka ahaa ee uu ka qaatay in la go’aamiyo doorashada dalka.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay maamulka Gobolka Banaadir iyo Dadweynaha Muqdisho soo dhoweynta wanaagsan ee ay u sameeyeen isaga iyo wafdigiisa.

Diwaanka wararka
Warbaahinta Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com