Guterres oo ka digay dunida inay lugaha la gasho dagaal qabow

Guterres oo ka digay dunida inay lugaha la gasho dagaal qabow

Xoghayaha guud ee qaramada midoobay António Guterres ayaa ka digey in dunida ay lugaha la gasho dagaal qabow.

Guterres oo ka hadlayay furitaanka kulanka golaha guud ee Qaramada Midoobay oo diirada lagu saarayo xiisada u dhexeysa Maraykanka iyo Shiinaha iyo weliba cudurka safmarka ah ee Covid-19 ayaa sheegay in dunida ay qarka u saaran tahay jiho halis ah.

Madaxda dalalka Maraykanka Donald Trump iyo Shiinaha Xi Jinping ayaa qudbad ka jeedin doona kulankan.

“Dunidu ma awoodo mustaqbal ay labadii dal ee dhinaca dhaqaalaha ugu awooda badneyd ay mid walba geesteeda ay u sameysanayso sharciyo iyo internetyo,”ayuu yiri Mr Guterres

Maraykanka iyo Shiinaha ayaa isku haysto arrimo kala duwan oo ay ka mid tahay ganacsiga iyo weliba cudurka safmarka ah ee Coronovirus.

Diwaanka wararka
Warbaahinta Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com