Madaxweynaha Puntland oo Garowe dib ugu Soo laabtay Kana Hadlay Shirkii Muqdisho (dhegayso)

HomeWararka

Madaxweynaha Puntland oo Garowe dib ugu Soo laabtay Kana Hadlay Shirkii Muqdisho (dhegayso)

Madaxweynaha iyo weftigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Kanooko ee Magaalada Garoowe kusoo dhoweeyey Madaxweyne Ku-xigeenka dawladda Puntland Eng.

MAYMUUN “NINKA MARKII UU XOOGA LEYAHAY DOWLADU WAY RABNAA MARKII UU DANOOBO HOOYADII BAA ALLE BADEY”(DAAWO)
Saaka & Dunida iyo Cabdifataax Cumar Geeddi, Daljir Caabudwaaq (dhegayso)
Jaaliyadda Somaliyeed ee dalka Pakistaan oo Walaac ka muujiyeey Cudurka Caronavirus (dhegayso)

Madaxweynaha iyo weftigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Kanooko ee Magaalada Garoowe kusoo dhoweeyey Madaxweyne Ku-xigeenka dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdullaahi Cumar Camey, maamulka gobolka Nugaal iyo kan degmada Garoowe, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dawladda Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland, aqoon-yahano, siyaasiyiin iyo qaar kamid ah shacabka magaalada Garoowe.

Madaxweynaha oo warbaahinta kula hadlay qasriga Madaxtooyada Garoowe ayaa ka warbixiyey shirkii amniga qaranka Soomaaliya iyo kii beesha caalamka iyo Madaxda Soomaalida, waxaana uu sheegay Madaxweynuhu in dhammaan shirarkaasi kala duwan ay kusoo dhammaadeen guul, maxsuul wanaagsanina kasoo baxay.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay in shirka amniga qaranka Soomaaliya uu wax badan kusoo kordhiyey geedi socodka dawladdnimada qaranka Soomaaliyeed, isla markaana waxa uu xusay Madaxweynuhu in shirkani lagu dhisidoono ciidan Soomaaliyeed oo Soomaali oo dhan ka dhexeeya, astaan qaranle, ka qayb-qaata amniga iyo xasilinta dalka.

Wariye Maxamed Lakiman Ayaa Warbixintan kadiyaariyaay imaatinka Gaas

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: