Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray degmada Ceelbarde

HomeWararka

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray degmada Ceelbarde

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo Wafdi uu Hogaaminayo ayaa gaaray Degmada Ceelberde ee Gobolk

Saaka & Dunida iyoXuseen Cabdi Jimcaale Madar, Daljir Bosaaso (dhegayso)
Beelo ku dagaalamay buuraleyda Calmadow ee Gobolka Sanaag.
Gabar Soomaaliyeed oo ku guuleysatay tartanka quruxda haweenka Muslimiinta ah ee Mareykanka

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo Wafdi uu Hogaaminayo ayaa gaaray Degmada Ceelberde ee Gobolka Bakool, waxaana halkaasi kusoo dhaweeyay Maamulka degmada iyo Saraakiisha Ciidamada.

Socdaalka Madaxweynaha ayaa ku qotoma u kuura-gelida Xaalada Degmada Dhinacyada Amniga, Saamaynta Abaarta iyo Dhiiragelinta Ciidanka iyo Dadka Deeganka oo udiyaar Garoobey Bilaabida Howlgallo Al-Shabaab looga saarayo Goobaha ay kaga sugan yihiin degaannada Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa kulamo kala duwan la qaadan doona maamulka degmada Ceelbarde iyo Saraakiisha Ciidaamda, isaga oo kala hadli doona bilaabida howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Degmada Ceelbarde ee Gobolka Bakool ayaa waxaa ay kamid tahay degmooyinka u go’doonsan Al-Shabaab, waxaana Maamulka Koonfur Galbeed uu dhowr jeer shaaciyay inay go’doonka ka qaadyaan balse aysan ku guuleysan.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: