Saaka & Dunida iyoXuseen Cabdi Jimcaale Madar, Daljir Bosaaso (dhegayso)

Saaka & Dunida iyoXuseen Cabdi Jimcaale Madar, Daljir Bosaaso (dhegayso)

Arooryo suubban! Ku soodhowaada barnaamijkii subaxnimo ee Saaka & Dunida, waxaana saaka barnaamijka xarunta Daljir Bosaaso inoo ka daadihinaya Xuseen Cabdi Jimcaale Madar.

Hoos ka dhegayso wixii warar saaka ugu horreeyey, dal iyo dibad.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 1
  • Maxamed Cali-mire Ciise-dhuux 4 years ago

    WARQAD FURAN: KUSOCOTA MUDANE MADAXWEYNE DENI
    ACWW
    KU Mudane Madax-weynah Pl. Dr. Siciid Cabdullaahi Deni
    KU Madax-weyne kuxigeenka Pl. Mudane Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash)
    Ku Golaha shacabka PL.
    Ku Golaha wasiirada Pl.
    Ku Isimada Pl.
    Ku Culimada Pl.
    Ku ganacsatada Pl.hii reervYuuu
    Ku Xijilayda, xoolo dhaqata, beeraleyda, kaluumeysata, muruqmaalka, gaadiidleeyda Pl.
    Ku Abwaanada Pl.
    Ku Aqoonyahanada Pl.
    Ku saxaafadda Pl.
    Ku Haweenka Pl.
    Ku Dhaliyada Pl.
    Ku Ururada bulshada Pl.
    Ku Qurbajoogta Pl.
    Ku Mas’uuliyiinta sagaalka Gobol, Dagmooyinka, iyo Tuulooyinkooda Pl.
    Ku Ciidamada qaranka kala duwan Pl.
    Ujeeddo: BOGAADIN, DHIIRIGELIN, TEAAGEERO, IYO TALO
    Marka hore waxaan idinku salaamayaa salaanta Islaamka Asalaamu calaykum waraxmatullahi wa barakaatuhu, kadib.
    Mudanayaal, Walaalayaal, garabkiinna Rabbi hagalo, Puntland waxay jirsatay 21-sano, waxaana ognahay taariikhda facaweyn deegaanada Dal-Udug, sida ay usoo hogaamin jireen Boqoradeedii, suldaamadii, cuqaashii, ilbaxnimadii, iyo ganacsigii ay aduunka la lahaayeen, ilaa uu kasoo galay gumeytihii shisheeye, dagaaladii huwanta ee badd iyo birriba ee dheer-dheeraa oo ay la galeen gumaystayaashii reer Yurub, burburkii ay ugeysteen oo aan lasoo koobi Karin, mid nafeed iyo mid dhaqaale, inkastoo hogaankii reer dal-udug ay ka dhigeen mid ay dileen iyo mid ay meelo kale kuxirteen, hadana waligood isma dhiibiin lagamana lib helin, oo waxay siiwadeen halgankii xornimadoonka, dadkeediina in badan oo kamida waxay ukala dhaqaaqeen dhulka af-soomaaliga looga hadlo, iyo meela kale, ilaa labadii gobol ay xoroobeen 1960-kii, deegaanada maant Puntland-dhina loo yaqaanay dhulkii gaari-waa, maantana dadkeedu horumariyeen.
    dawladihii Soomaaliya ee kala danbeeyayna aysan waxba uqaban, balse dawladii kacaanka ay saartay cadaadis aad uxun dhan walbaba, kadib dagaalkii sokeeye, dadbadan ay maciin soobideen deegaanadii awoowayaashood kasoo jeedeen, markii dhac, dil iyo bara kicin loogu geystay dhulkii ay boqolaalka sano kunoolaayeen ee Koonfurta iyo Waqooyiga Soomaaliya, deedna ay dhisteen maamukla Puntland 1998-dii, waxaana ognahay dhibkii loo soomaray iyo sida ay xaaladu ahayd iyo ujeedada loo dhisay Puntland iyo sida cadaawada iyo weerarka loogu hayo ilaa iyo iminka, iyo isbadalada dhanwalba leh ee ay maata dal-udug gaareen, oo ah rag-dheeri.
    Waxaa nasiib daro ah dad indhihii bulshada qaarkood, ay wadaan shirar dhaawacaya midnimada, nabada, iyo horumarka reer dal-udug, iyagoo ugan-haadinaya kuwo neceb nolosha dadka reer Puntland, ayna wadaan iska hor keen dadka iyo madaxda ay shalay doorteen, taasoo run ahaantii niyad jab ku keenaysa reer Puntland dibad iyo gudaba, sidoo kale waxaan warbaahinta kadaawanay afar nin oo sheeganaya xildhibaanada Puntland oo ka hadlaya wax ayna aqoonin, iyo wax aan loodirsanin oo ah sharcidarro, iyo kicin dad-weyne, waxaana haboonayd in ay bartaan dastuurka iyo shuruucda ay u-dhaarteen, waxayna mudanyihiin in lamariyo waxa ay mutaysteen, miyeyna ogayn Federaalku in uu yahay heshiis u-dhaxeeya dowladda dhexe oo leh awoodo kooban, dowlad-goboleedyada oo leh awoodo ugaar ah, awoodo ay labaduba wadaagaan, iyo adoodaha ugaarka ah dowladaha hoose, midwalbana leh shuruuc ugaar ah oo aan lagu fara galin Karin, taas ayaana looga fadhiyaa iney ku shaqeeyaan meesha uga aadan xildhibaanada, wixii ka qaldan dhanka xukuumadana ay umaraan sharciga oo ay laxisaabtamaan.
    Laakiin hora loo yiri geeloow iska raamso Ragg iyo Rabbaad leedahaye, waxaana ku kalsoonahay isimada iyo waxgaradka reer Puntland ee sharaf leh, oo markay murkacataba kusoo toosiya tubta toosan.
    Haddaba anigu aad iyo aad ayaan ula dhacsanahay howlaha baaxadda leh ee maamulka cusub ee gadh-wadeenka kayahay madaxweynaha Puntland Dr.Deni iyo xukuumadiisa ay kutalaabsaday mudadii yarayd ee xafiiska haysay oo ay kamid tahay dhanka ilaalinta iyo dardar gelinta ku dhaqanka sareynta sharciga dowladnimo ee Puntland, midaynta, horumarinta gobolada Pl. siiba gobolka Sanaag iyo gobolada kale, Mashaariicda horumarineed ee ilaha dhaqaalaha Pl., uqareemidda danaha reer Pl, sida maalgashiga Caalamiga ah ee mar aan fogeyn kusoo idlaaday Caasimada Pl. ee Garoowe, furitaanka bilowga wajigii labaad ee Dakada garacad, ilaalinta amniga, iyo tayaynta Ciidamada geesiyaasha qalabka sida ee Reer Pl. iyo wax badan oona soo koobikarin ee suurta gashay mudadii gaabnayd ee uu joogay Dr. Deni xafiiska, iyo kuwa kala duwan ee socda qorshahoodu.
    Si kastaba ha ahaatee, far qudha fool ma dhaqdo, haddaba waxaan ka cosanayaa dhammaan mudanayaashaas, iyo mas’uuliyiintaas reer Puntland ee kur aan ku soo xusay, in aad noqotaan far qudha, ogaada waxaad tihiin indhihii ummada reer Pl.
    Qof walba waa in uu mas’uuliyadiisa kaqaataa meesha kaga aadan, oo aad noqotaan ul iyo diirkeek, oo aad garab istaagtaa, dhiirigalisaan madaxweyne Dr. Deni, iyo xukuumadiisa cusub, iskuna wada duubnaataan, iska ilaalisaan docfaruurka, ogaada reer Dal udugoow ha’u gacan-haadinina nacab neceb noloshiina, hadhowna aan iidiin furidoonin, jirowse kufarxaya in aad iska hortimaadaan dhaxdiina, ee walaalayaal bal eega cududada dad ahaaneed, dhul ahaaneed, badd, birri, buuro, xoolo, aqoon ee Eebe idin siiyey ilaal-sada midnimada, horumarka, amniga, gudaha, xuduudaha Pl., aqoontiina maala, ha iska kala dhantaalina karaamadiina, dhiiri gelinta ganacsiga, maalgashiga oo idinku ugu horeeya maalgashiga dhulkiina, kor uqaada caafimaadka, ka faa’iidaysiga khayraanka, badda, milixda Xaafuun & Hurdiya, warshadaha hilibka xoolaha, hargaha, kaluunka, biyaha, beeraha, daboolana boholaha dhulka, beera dhirta, ilaalinta deegaanka, joojinta qul-qulka tahriibka, si dhab ah u-tir-tirida argegixisada, iyo taareerayaashooda, iyo wax-walba oo dhiba, nabad galyo xumo, dhaqan xumo iyo magac xumo, inoo keenikara, meelna uga soo wada jeesta, si aan u helno mas-kax caafimaad qabta oo hiigsata horumar iyo xasilooni waarta, idinkoo isku kalsoon, is duuban, iskuna tashanaya, una hiiliya dadka dulman, siiya garab hiil iyo hooba ah shacabka Jubaland iyo madaxda ay doorteen oo uu ugu horeeyo munane madaxweyne Sayid Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoob), sidoo kale is-karab-sada oo uhiiliya shacabka Ogadeniya ama Somali State sida aad ugarab joogtaan Jubaland, sidoo kale Mudane Madaxweyne, adiga iyo xukuumadaada iyo haldoora reer Puntland fadlan uqareema dadka dulman ee Reer Tulli-guuleed, iyo Gobolka Siti deegaanada Garbociise, Cundhufo iyo Dhunyar oo Cafartu taageero ka heleyso qoomiyada Axmaarada iyo Tigreega oo ay Catartu adeegsanayso dacaayad been ah iyagoo dhahaya in ay Soomaalidu tahay ajaanib ku soo duulay dalka Itoobiya si ay qiil ugadhigtaan dhul boobka Soomaalida, barakicinta iyo gumaadka lagu hayo dadkaas, waana in aad uqareentaan, cid kalena ooma maqna, idinkoo umaraya sharciyadda diblomaasiyadeed iyo hay’daha xuquuqda aadanaha iyo cidda ay khusayso, oo ay ugu horeyso dawlad deegaanka Somali State iyo xukuumadda dhexe ee dawladda Itoobiya, ogaadana dadkaasu waa Soomaali waxaanu wada nahay hal-dad.
    Waxaana idin leeyaha u-hogaansama sareynta shuruucda dalkiina oo noqda idinku ilaaliyaha diinta iyo dastuurka dhul-udug, Jubaland iyo Ogadeniya ama, Somali State, dhammaan Soomaalida, Reer NFD, daryeela una naxariista dadka liita, duunyada, duur-joogta, ka sameeya biyo xidheenno daadadka roobka, xidhmooyin daaq, ilaashada deegaanka, sameeya warshadaha fudud oo kor uqaadaya dhaqaalaha dalka, si ay uyaraato shaqa la’aanta, kuna dadaala kala danbaynta, qoriga dhiga ilaashada ciida hooyo, caws jiilaal waa lamahuraane, iska ilaasha dilaalada idiin dub egg!
    Aad iyo aad iyo si qalbi fayoow oo farxadleh ayaana usoo dhaweynayaa kulankii kadhacay Biya kulule ee udhaxeeyey Madaxweyne Dr. Deni iyo odayaasha Gobolka Bari ee ahaa kulanka Bulshada Boosaaso iyo Madaxweynahooda Puntland Dr. Deni, wayna nafarxad galisey midnimada aad muujiseen, ee saa kuwada, wada tashi, isku tashi iyo isku duubni, ayaa lagu tanaadaa, talana saarta Rabbi.
    Wabillahi Towfiiq Aamiin
    Maxamed Cali Ciise (Qalaafe)

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com