Madaxweynaha Jubbaland oo xafiiskiisa ku qaabilay Madax ka socota Hay’adaha Cafimaadka

Madaxweynaha Jubbaland oo xafiiskiisa ku qaabilay Madax ka socota Hay’adaha Cafimaadka

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Madaxa Hay’ada Caafimaadka Aduunka ee WHO u qaabilsan Soomaaliya Dr Mamunur Rahman Malik iyo wafdi uu hogaaminayo oo booqasho ku yimid Jubaland.

Waxaa Madaxweynaha kulankan ku wehelinayay Wasiirka iskaashiga iyo xiriirka Caalamiga ah Mursal Maxamed Khaliif iyo wasiirka Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Maxamed Ibrahim Ogle.

Kulanka waxaa lagaga hadlayay sidii WHO ay u balaarin lahayd tageerada dhinaca Caafimaadka ah isla markana la iskaga kaashan lahaa shaqooyinka baaxada leh ee Wasaarada Caafimaadka iyo WHO ay sida wadajirka ah u qabtaan.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com