Kenya oo sheegtay inay dishay saraakil ka tirsan Alshabaab

Kenya oo sheegtay inay dishay saraakil ka tirsan Alshabaab

Gudoomiyaha Gobolka Lamu Irungu Macharia ayaa sheegay in labada ka tirsan dagaalamayaasha Alshabaab ay kooxda SOG ku toogteen deegaanka Mangulo oo ka tirsan Mararani gudaha keymaha Boni.

“Subaxnimadii maanta, laba argagixiso oo ka tirsan Al-Shabaab ayay toogteen ciidamadeena amniga ee howlgalka Linda Amani Boni ka waday Boni Forest. Haatan, howlgalka lagu doonayo in looga saaro dad badan oo looga shakisan yahay argagixisanimo ee ka socda Boni Forest wali wuu socdaa,” ayuu yiri Mr Macharia.

Guddoomiyaha gobolka Lamu ayaa ugu baaqay dadweynaha inay feejignaadaan oo ay soo sheegaan dadka ay ka shakiyaan dhaqdhaqaaqooda.

“Kooxdayadu waxay qabteen argagixisada waxayna dileen laba isla goobta. Dhowr kalena way carareen laakiin waan ku daba jirnaa” ayuu yiri sarkaal.

Dhacdadan ayaa imaaneysa muddo seddex isbuuc kadib markii ladilay 7 askari oo katirsan ciidamada Difaaca Kenya halka kuwa kale la dhaawacay kadib markii gaarigii ay la socdeen uu dulmaray qalab walxaha qarxa laga soo buuxiyay (IED) oo looga shakiyay in ay ku aaseen wadada maleeshiyada Al-Shabaab ee Baure ee Boni Forest Lamu 18-kii May.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com