Madaxweynaha Hiirshabeele oo la kulmay safiirka taliyaaniga ee Soomaaliya

HomeWararka

Madaxweynaha Hiirshabeele oo la kulmay safiirka taliyaaniga ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa Maanta kulan kula qaatay Magaalada Muqdisho Safiirka Dowlada Talyaaniga u Fad

Laftagreen oo sheegay in dilalkii ka dhacay Baydhabo ay ciidamo qeyb ka ahaayeen
Masuuliyiin katirsan dowladda Soomaaliya oo lagu xanibay degmada Cadaado
Gudiga Doorashooyinka Puntland oo kordhiyey wakhtiga diiwaan gelinta ururada (dhegayso)

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa Maanta kulan kula qaatay Magaalada Muqdisho Safiirka Dowlada Talyaaniga u Fadhiya Soomaaliya Ambassador Alberto Vecchi.

Kulankaan ayaa looga hadlay Arrimaha Fatahaadaha Amniga iyo fulinta Mashaariicyo Horumarineed oo wax tar u leh Bulshada Deegaanada Hirshabeelle.

Madaxweynaha ayaa Ambassador Alberto Vecchi Safiirka Dowlada Talyaaniga ee Soomaaliya la Wadaagay xaaladaha fatahaada ee hadda taagan iyo sidii loo caawin lahaa dadkii ku barakacay fatahaada Wabiga Shabeelle oo gaaraya in kabadan toban kun oo Qoys, Sidoo kale kulanka waxaa looga hadlay sidii looga wada Shaqeyn lahaa xal u helida Arrimaha Fatahaadaha oo ku soo laab-laabtay degaannada Hirshabeelle.

Kulanka inta uu Socday Waxaa la iskula soo qaaday Dhismaha iyo Tababarada Ciidamada Booliiska, Daraawiishta Fulinta Mashaariicyo Horumarineed oo wax tar u leh Bulshada sida Isbitaalo iyo Adeegyo kale oo Muhiim ah iyo Sidoo kale Dhismooyinka Garoomada Diyaaradaha Magaalooyinka iyagoo Balan Qaaday in Sanadka Cusub ay Magaalada Baladweyne nooga Dhisi Doonaan Airport Caalami ah.

Madaxweynaha ayaa uga Mahadceliyay Dowlada Talyaaniga Taagerada ay dadka Soomaaliyeed la Garab taagan yihiin Gaar ahaan Shaqooyinka ay ka wadaan Magaalada Baladweyne Ee Xarunta Ganacsiga Dowlada Hirshabeelle.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: