Masuuliyiin katirsan dowladda Soomaaliya oo lagu xanibay degmada Cadaado

Masuuliyiin katirsan dowladda Soomaaliya oo lagu xanibay degmada Cadaado

Waxgaradka magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa xanibaad kusoo rogay masuuliyiin katirsan dowladda faderaalka Soomaaliya oo kala ah guddoomiye kuxigeenka aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya Abshir Bukhaari, Wasiir kuxigeenka Howlaha Guud Axmed Qoor Qoor, Xildhibaan Maxamed Abtidoon Yare oo dhamaantood ah masuuliyiin kasoo jeeda beesha degmada Cadaado.

Xanibaadda ayaa timid kadib markii masuuliyiinta shalay ay u tageen degmada Cadaado qancinta beesha deegaankaasi ee ay kasoo jeedaan inay taageerto heshiiska maamulka Ahlu Suna  iyo Galmudug ee xafladdiisa loo balansanyahay inay ka dhacdo magaalada Dhuusomareeb.

Wararka ayaa sheegaya beesha degmada Cadaado inay u aragto heshiiska Galmudug iyo Ahlu Suna mid meesha ka saaraya xuquuqda iyo maqaamka degmada Cadaado maadaama heshiiska uu qayb ka yahay in Galmudug ay u guurto magaalada Dhuusomareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Masuuliyiinta ayaa iminka ku sugan degmada Cadaado iyagoona u hogaansamay amarka kasoo baxay waxgaradka deegaanka ay matalaan.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com