RW Rooble oo la kulmay Danjiraha Qatar Xamza

RW Rooble oo la kulmay Danjiraha Qatar Xamza

Ra’iisul Wasaaraha xukuumada Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay Safiirka Dowladda Qatar ee Soomaaliya Danjire Xasan Xamza.

Kulankan ayaa loogaga hadlay xiriirka labada dal, habsami u socodka mashaariicda horumarineed ee Qatar ka hirgelineyso Soomaaliya iyo Arrimaha doorashooyinka dalka.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa maalmihii la soo dhaafay waxa uu waday wadahadalo uu la yeelanayo wakiilada beesha caalamka isagoo kala hadlayay arrimaha doorashooyinka.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com