Madaxweynaha Hiirshabeele oo la edeyaay

HomeWararka

Madaxweynaha Hiirshabeele oo la edeyaay

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa waxaa lagu eedeeyay inuu ka hor yimid hawlgallo Ururka Al Shabaab lagula dagaalamayo oo ay

Madaxweyne hore Sheekh shariif: “dadka degan Hiirshabeele in dagaal ay ku baaqan marnaba ma ahaa wax fiican”
Wacaal Darey ah: Dagaal u dhexeeya Puntland iyo Soomaaliland oo ka dhacay gobolka Sanaag
Jaamacadda Bariga Africa oo Soo dhaweyn u samaysay Ardayda Sanad Jamacadeedka 2017-2018 (dhegayso)

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa waxaa lagu eedeeyay inuu ka hor yimid hawlgallo Ururka Al Shabaab lagula dagaalamayo oo ay sameyn lahaayeen ciidanka dowladda.

Xildhibaan Aadan Cabdi Faarax oo ka tirsan Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa waxa uu sheegay in Waare uu ka hor yimid hawlgallo qorsheysna oo Millatariga ay ka sameyn lahaayeen degaanada ay dhibaatooyinka ka jiraan.

“Wadada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar amni ayay aheyd, balse hada waxaa lagu laynayaa Masuuliyiin, Shacab iyo Askar, waxaan ognahay Madaxweynaha inuu ka hor yimid hawlgalkii socday, isaga oo ku andacoonaya inaan lagu soo wargelin, markii uu xilka la wareegayay waxaa shaqeynayay dhammaan adeegyadii labada gobol”. Ayuu yiri Xildhibaan Aadan Cabdi.

Qaar ka tirsan xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabeelle aya waxa ay wadaan qorshe ay kula xisaabtamayaan Madaxweyne Waare iyo Xu-xigeenkiisa, si wax looga weydiiyo amni darada ka jirta wadooyinka xiriiriya Muqdisho iyo Jowhar.

Waxaa muuqata inay xoogeysatay awooda Al Shabaab ee degaanada Hirshabeelle, kadib markii wadooyin ka tirsan degaanada Hirshabeelle lagu weeraray Masuuliyiin ka tirsanaa Hirshabeelle iyo Saraakiil ciidan, halkaasi oo khasaare kala duwan lagu gaarsiiyay.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: