Wacaal Darey ah: Dagaal u dhexeeya Puntland iyo Soomaaliland oo ka dhacay gobolka Sanaag

HomeWararka

Wacaal Darey ah: Dagaal u dhexeeya Puntland iyo Soomaaliland oo ka dhacay gobolka Sanaag

Sida uu ku soo waramayo wariyaha Daljir ee gobolka Sanaag Maxamuud Cabdi Ibraahin waxaa degmada Hadaaftimo ee gobolka Sanaag ka dhacay dagaal dhexmara

MUQDISHO: Ciidanka Booliska Gobalka Banaadir oo ku guulaystay inay gacanta kusoo dhigan ragg dilaal.
Saaka & Dunida iyo Jaamac Cabdiraxmaan Axmed, Daljir Garoowe (dhegayso)
73 Alshabaab ka tirsan oo lagu dilay Baar-Sanguuni (Daawo)

Sida uu ku soo waramayo wariyaha Daljir ee gobolka Sanaag Maxamuud Cabdi Ibraahin waxaa degmada Hadaaftimo ee gobolka Sanaag ka dhacay dagaal dhexmaray malayshiyaadka Soomaaliland ee mamaulka Soomaalidiidka ah iyo ciidamada dowladda Puntland ee difaaca kaga jira gobolka Sanaag.

dagaalka ayaa yimid kadib markii gudoomiyaha Soomaaliland uqaabilsan degmada Baran ay jidka ugaleen ciidamada Puntland, halkaas oo uu dagaal xoogan ku dhexmaray.

Ciidamadii uu la socday guddoomiyiihii Baran u qaabilasaan maamulka Soomaaliland ayaa dagaalkan waxaa ka soo gaaray jab xoogan, waxaana laga gubay gaadiid dagaa loogana qabsaday kuwo kale.

Puntland iyo Soomaaliland ayaa horay waxa uu dagaal xoogan dhowr jeer oo hore uu ku dhexmaray deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool, halkaas oo ay haatan Soomaalidiidku gacanta ku hayaan.

Dagaalkan ayaa waxa uu ku soo beegmay xili labo maalin ka hor madaweynaha Puntland Siciid Cabdilaahi Deni uu Garoowe ka sheegay in dhulka ka maqan Puntland ee ay Soomaaliland xooga ku haysato si Nabad ah in ay ku soo celin doonaan,balse wasiirka Warfaafinta Soomaaliland ayaa hadalkaasi ku tilmaamay mid aysan Soomaaliland aqbali karin maadaam dhulkaasi uu yahay waxa ay ku sheegaan xuduudii uu Ingiriisku dhigay.


Xasan Heykal, Daljir Bosaaso.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: