Government of Kenya Supports Jubaland JIBEC Electoral Process

Government of Kenya Supports Jubaland JIBEC Electoral Process

Qoraal ka soo baxay wasaarada arrimaha dibada Kenya ayaa lagu taageeray guddiga madaxa banaan ee doorashada iyo xuduudaha Jubbaland oo isbedel ku sameeyay jadwalkii hore ee doorashada.

“Xildhibaano labaatameeyo ah, saddex kamid ah xisbiyada siyaasada dalka ee ay hogaaminayaan Sheekh Shariif,Xasan Sheekh Maxamuud iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa taageeraya qaabka ay u socoto doorashada Jubbaland.”ayaa lagu yiri qoraalka.

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya oo loo diray Kaaliyaha Xoghayaha Qaramada Midoobey ee Arrimaha Siyaasadda lagu sheegay in weli Wakiilka Qaramada Midoobey uu Guddiga ku soo rogayo shuruudo in la qabto doorashada Madaxweynaha Jubbaland, sidoo kale waxay ugu baaqeen Qaramada Midoobey iyo Beesha Caalamka inay kala shaqeeyaan dowladda Federaalka inay ku taageeraan Guddiga Doorashada Jubbaland sidii hannaanka doorasho loogu dhameyn lahaa waqtigii loogu tala galay, taasoo damaanad qaad u noqoneysa in la helo xasillooni siyaasadeed oo ka hana qaada Jubbaland, si loo sii wado dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo in aan la abuurin jawi Al-Shabaab farxad gelinaya.

Kenya iyo Itoobiya ayaa u muuqda kuwo ku loolamaya Jubbaland, waxaana Kenya oo xiriir dhow la leh Maamulka uu hoggaamiyo Axmed Madoobe ay dadaal badan ugu jirtay sidii uu mar kale dib u soo laaban lahaa, halka dowladda Federaalka Soomaaliya oo taageero ka heleysa Itoobiya ay doonayaan inay meesha ka saarto maamulka Axmed Madoobe.

Akhriso.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com