Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Madaxda Ururka ONLF

HomeWararka

Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Madaxda Ururka ONLF

Dowladda Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay kulankii Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxda ONLF ku dhexmaray Magaalada A

Guddoomiyaha Barlamaanka Puntland oo Muqdisho u duulay (dhegayso)
Madaxweynaha Puntland oo Xariga ka jaray Hotel Casri ah (Sawiro)
Saaka & Dunida iyo cFataax Cumar Geeddi, Daljir Garoowe (dhegayso)

Dowladda Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay kulankii Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxda ONLF ku dhexmaray Magaalada Asmara.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu kulan la qaatay Madaxda Sare ee ONLF, islamarkaana ay ka wada hadleen Xaaladda Soomaaliya iyo tan Geeska Afrika.

“Ugu horeyn madaxweynaha waxa uu kulan la qaatay hoggaanka sare ee ururka ONLF, kaas oo ahaa mid aan horey loo sii qorsheynin, markii aan halkan nimid ayay noo yimaadeen, waana la kulanay, aad iyo aad ayaa loo soo dhaweeyay” ayuu yiri Wasiir Daahir Maxamuud Geelle.

Wasiirka ayaa sheegay “kulanka qeybtiisa hore mid furan ayuu ahaa anagana waan ka qeybgalnay, qeybta kale madaxweynaha ayay isku hareen, waxaana looga wada hadlay guud ahaan arrimaha Geeska Afrika”

Guddoomiyaha jabhadda ONLF Maxamed Cumar Cusmaan ayaa idaacada VOA u sheegay in madaxweyne Farmaajo uu raaligalin ka siiyay falkii lagu dhiibay Cabdikariim Qalbi Dhagax.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: