Madaxweynaha Ghana oo markale dib loo doortay

HomeWararka

Madaxweynaha Ghana oo markale dib loo doortay

Madaxweynaha Ghana Nana Akufo-Addo ayaa dib loo doortay isagoo heley 51.59%, sida arbacadii ay shaaciyeen guddiga doorashada, iyadoo dalka ay ka dhace

Gobolka Nugaal ayaa qaaday koobkii ciyaaraha gobollada Puntland.
Saaka & Dunida iyo cXakiin Xuseen Xasan, Daljir Garoowe (dhegayso)
Madaxweynaha Galmudug iyo RW khayre oo Heshiis wadda gaaray

Madaxweynaha Ghana Nana Akufo-Addo ayaa dib loo doortay isagoo heley 51.59%, sida arbacadii ay shaaciyeen guddiga doorashada, iyadoo dalka ay ka dhaceen rabshado intii lagu jirey doorashada.

Natiijadan ayaa lagu muransan yahay iyadoo shan kamid ah murashaxiinta sheegeen in ay ku guuleyteen doorashada, isniintii shan qof ayaa la dilay markii ay dhaceen rabshado, sida ay booliisku sheegeen.

Ciidanka booliiska waxay sheegeen in 60 dhacdo diiwaan geliyeen intii ay socotay codbixinta doorashada isniintii, madaxweyne Nana Akufo-Addo waxaa la tartamaya10 murashax oo uu ku jiro madaxweynihii hore John Mahama.

Kor joogtadad madaxa banaan ee doorashada ayaa u hambalyeeyay madaxweynaha, ayagoo qiray in doorashada ay ku dhacday jawi nabad ah oo la jaan qaadaya dalka ugu dimoqraadiyadsan galbeedka Afrika.

Laakiin xiisad ayaa dhalatay markii labada xarun ee madaxweyne hore Mahama iyo Akufo-Addo lagaga dhawaaqay natiijo iska soo hor jeedda.

Waxaa jirey eedeymo ku saabsan in dowladda cadaadis saartay mucaaradda intii ololaha doorashada socdeen, iyadoo adeegsanaysa ciidanka qaranka.

Diwaanka wararka
Warbaahinta Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: