Gobolka Nugaal ayaa qaaday koobkii ciyaaraha gobollada Puntland.

Gobolka Nugaal ayaa qaaday koobkii ciyaaraha gobollada Puntland.

Ciyaartii kama dambaysta ahayd ee ee koobka gobollada Puntland waxaa ku guulatstay rigoorayaalna ku qaaday koobkii xulka gobolka Nugaal kadib markii 90kii daqiiqo ee ciyaarta loogu talagalay ay ku dhammaatay barbar-dhac ah 0-0.
Ciyaarta oo rigoorayaal tagtay ama gool ku laad, ayaa 10kii ugu horreeyey ee gool ku laadkaasi la isla dhaafi waayey 0-0, iyadoo labo kale oo lagu daray gobolka Mudug ay iska cuneen dhalintooda, kadib markii ciyaaryahankii laaday uu hareer mariyey barta goolka, iyadoo taas baddelkeedana gobolka Nugaal ay dhashadeen.

Ciyaartaasi kama dambaysta ahi waxay ku soo dhammaatay 6/5, oo rigoorayaal ah, laguna reebay xulka gobolka Mudug, waxaana gobolka Nugaal uu qaaday gobolka gobollada Puntland markii 3aad.

Gobolka Mudug oo sannadkaan marti-galiyey koobka 9aad ee gobollada Puntland ayaa isagu wax koobab ah aan haysan, waana markii 3aad oo uu yimaado ciyaarta kama dambaysta ah ee Final-ka.

Maanta oo ahayd maalintii kama dambaysta ahayd ee koobka 9aad ee gobollada Puntland, ayaa ahayd maalin ka duwan maalmihii hore ee ciyaaraha maadaama koobkii la kala qaadayey.

Kumanaan daawadayaal ah ayaa ka soo qaybgalay daawashada ciyaarta, kuwaasi oo kor u qaaday xiisihii iyo xamaasaddii ciyaarta, waxaana maanta aad loo adkeeyey ammaanka magaalada Galkacyo, iyadoo ciidamo gaar ah oo labbis gooni ah xiran loo xilsaaray sugidda ammaanka gudaha garoonkaasi.

Markii ciyaartu dhammaatay, isla garoonka dhaxdiisa waxaa lagu qabtay munaasabad kooban oo lagu bixinayey koobka, kaalimaha ciyaareed ee gobollada, goolal dhallinta, anshaxa iyo edaabta ciyaar wanaag ee kooxaha gobollada.

Diiwaanka wararka
Warbaahinta Daljir.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0