Maamulka Galmudug oo sheegay inay gacanta ku dhigeen mid kamid ah raggi dilay saraakishii Ciidamada dowladda

HomeWararka

Maamulka Galmudug oo sheegay inay gacanta ku dhigeen mid kamid ah raggi dilay saraakishii Ciidamada dowladda

Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya & kuwa Maamulka Galmudug ayaa tan iyo xalay waday hawlgallo ay ku baadigoobayaan ragii ka dambeeyay dil wadare

Duqa cusub ee degmada Bosaso shanta sano ee soo socota oo maanta la dooranyo
Warka Arooryo iyo Xuseen Madar, Daljir Bossaso (dhegayso)
Dowlad Deegaanka oo biloowday tababar wacyigelinta COVID-19

Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya & kuwa Maamulka Galmudug ayaa tan iyo xalay waday hawlgallo ay ku baadigoobayaan ragii ka dambeeyay dil wadareed duleedka degmada Balanballe loogu gaystay saraakiil ka tirsanaa Ciidamada millateriga Soomaaliya.

Howlgalka oo laga sameeyay wadada xiriirisa Magaalooyinka Guriceel & Balanballe ayaa intii ay ku jireen Ciidamada waxaa la sheegay inay gacanta ku dhigeen mid kamid ah maleeshiyaadkii kad ambeeyay weerarkaas, kaas oo watay qoray AK47 ah.

Madaxweyne kuxigeenka Maamulka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa xaqiijiyay qabashada Ninkaas, waxaana uu sidoo kale sheegay in Ciidamada ay soo heleen laba Sarkaal oo la weeysnaa, isaga oo u tacsiyadeeyay Saraakiishii ka tirsanaa Ciidamada Millateriga Soomaaliya ee weerarka lagu dilay.

“Anigo ku hadlaya magaca Madaxtooyada Galmudug waxaan marlabaad tacsi u diraya Ciidamada Xoogga Soomaaliya iyo dhamaan Qoysaska ay ka baxeen iyo Qaraabada, waxaan Allah ka baryaa in uu Samir iyo iimaan naga Siiyo dhamaanteen ayuu yiri” Cali Daahir Ciid.

Saraakiisha ka tirsanaa Ciidamada Milaletriga Soomaaliya ee lagu dilay weerarkii ka dhacay duleedka degmada Balanballe ee gobolka Galgaduud ayaa saakay la’aasay, iayda oo aysan jirin Madax ka tirsan Galmudug oo Aaska ka qeyb-gashay.

Diwaanka wararka
Warbaahinta Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: