Madaxweynaha Galmudug oo saxiixay shuruuc muhiim ah oo uu Barlamaanka Galmudug meelmariyey

HomeWararka

Madaxweynaha Galmudug oo saxiixay shuruuc muhiim ah oo uu Barlamaanka Galmudug meelmariyey

Munaasabad ka qabsoontay Madaxtooyada Galmudug ayaa mudane Maxamed Axmed Kaariye Madaxweynaha Galmudug waxa uu ku saxiixay shuruuc muhiim ah oo kala a

Wasiir Juxa oo sheegay inay Cid walba oo Kasoo Horjeeda Wadda Hadal la galayaan (dhegayso)
Gudoomiyaha Maxkamadda Ciidamada qalabka sida oo u digay saraakisha dowladda
Madaxweyne Cosoble, “Waxaan Ka Fekeraynaa Inaan Bedelno Magaca Hir-shabeelle”

Munaasabad ka qabsoontay Madaxtooyada Galmudug ayaa mudane Maxamed Axmed Kaariye Madaxweynaha Galmudug waxa uu ku saxiixay shuruuc muhiim ah oo kala ah:-

Shariga Maarreynta Deegaanka, Sharciga Hay’adaha, Sharciga Dhismaha Booliiska iyo Sharciga Dowalaha Hoose.

Shuruucdan waxaa soo diyaariyey Wasaaradaha kala ah; Deegaanka, Qorsheynta, Amniga iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose.

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Madaxweyne Kuxigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug, Guddoomiyaha Barlamaanka, Guddiyada joogtada ah ee Barlamaanka, Xubno ka tirsan labadda Gole, Garsoorka, La- taliyeyaal iyo Hawlwadeenno ka tirsan Madadaxtooyada.

Madaxweynaha Galmudug wuxuu Golaha Barlamaanka iyo Wasiirada Galmudug uga mahadceliyey ansixinta shuruucdan. isagoo xusay in shuruucdu ay gundhig u noqon doonto in sifo sharci ah Xukuumaddu u fuliso hawlaha hortebinta leh ee loo igmaday.

Diwaanka wararka
Warbaahinta Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: