DFS oo sheegtay in la dilay saraakil ka tirsan Alshabaab

DFS oo sheegtay in la dilay saraakil ka tirsan Alshabaab

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa ay howlgallo qorsheysan ka fuliyeen degaano ka tirsan Gobolada Shabeellaha Hoose iyo Jubbada Dhexe, halkaas oo ay ku sugnaayeen Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

Howlgal la sheegay inay siwadajir ah u fuliyeen ururka 4aad ee guutada 16 aad ee kumandooska danab iyo Ururka 64aad ee Guutada 7aad Qaybta 60aad ayaa waxaa uu ka dhacay deegaanka Leego oo Qiyaastii 44 km dhanka woqooyi kaga beegan Degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Saraakiisha holwgalka hoggaamineysay ayaa waxaa ay sheegeen inay ku burburyeen Xarumo ay lacago ku qaadi jireen Al—Shabaab, sidoo kalena ay gacanta ku dhigeen Mootooyin ay Al-Shabaab u isticmaali jireen Miinooyinka.

Dhinaca Ciidamada Kumaandoosta DANAB ayaa howlgal waxaa ay ka fuliyeen degaan ka tirsan gobolka Jubbada Dhexe, isla markaana howlgalkaasi ay ku beegsadeen Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab.

Saraakiisha Ciidanka DANAB ayaa waxaa ay sheegeen in howlgalkaas ku dileen Sarkaal dhinaca Warbaahinta u qaabilsan Al-Shabaab, kaas oo lagu Magacaabi jiray Cabdullaahi Cusmaan Dhega Cade.

Diwaanka wararka
Warbaahinta Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com