Gudoomiyaha Maxkamadda Ciidamada qalabka sida oo u digay saraakisha dowladda

Gudoomiyaha Maxkamadda Ciidamada qalabka sida oo u digay saraakisha dowladda

Gudoomiyaha Maxkamadda darajadda 1aad ee Ciidamadda Col Xasan Cali Nuur ayaa sheegay in Hadda wixii ka Dambeeya loo maxkamadayn doono Askartii hubkooda Cadow Ka Qaato.

Waxaa uu sheegay in Askari walba lagula xisaabtami doona hubka loo dhiibay, islamarkaana hadii Al-Shabaab ay soo weeraraan oo ay qaataan hubka in asaga laga rabo.

Shuute ayaa Taliyeyaasha Ciidanka ka dalbaday feejignaan dheeri ah si aysan u kordhin weerarada Al-Shabaab ay kusoo qaadayaan Ciidanka dowladda.

Taliye kaste ayuu sheegay in uu muteysan doono Maxkamad hadii uusan la imaan hoggaamin iyo abaabul keeni kara Ciidanka dowladda in aan laga furan hubka ay wataan.

Al-Shabaab ayaa dhawaan weerar ay ku qaadeen degaanka Ceel Saliini ku dilay Ciidamo badan sidoo kalena qaatay gaadiid iyo Hub ay leeyihiin Ciidanka.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com