Madaxweynaha Galmudug oo Magacaabay Guddoomiyaasha Maxkamadaha Racfaanka iyo Gobolada Gamudug

Madaxweynaha Galmudug oo Magacaabay Guddoomiyaasha Maxkamadaha Racfaanka iyo Gobolada Gamudug

Wareegto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha dowlad goboleedka galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa lagu magacaabay Guddoomiyayaasha maxkamadaha racfaanka iyo maxkamadaha gobolada mudug iyo galgaduud iyo ku xigeenada xeer ilaaliyaha guud ee dowlad goboleedka galmudug.

xubnaha la magacaabay ayaa kala ah;

1-Saciid Cabdiraxmaan Shiikh : Guddoomiyaha maxkamadda racfaanka gobalka Galgaduud

2- Maxamed Cabdi Kadiye : Guddoomiyaha maxkamadda gobolka galgaduud.

3-jimcaale Cali Salaad : Guddoomiyaha maxkamadda racfaanka gobolka mudug.

4- Cabdirisaaq Cali Yusuf : Guddoomiyaha maxkamadda gobolka mudug.

5-Cabdullaahi Cali Cumar : ku-xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee galmudug.

6- Cabdixakiin Maxamed Xirsi : ku-xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee galmudug.

Madaxweyne qoor Qoor ayaa magacaabay xubnahan kaddib markii uu garowsaday baahida deg dega ah ee loo qabo dhisidda hay’adda garsoorka galmudug, isla markaana tixgeliyay aqoonta iyo waayo aragnimada xubnuhu u leeyihiin arrimaha garsoorka.

Diwaanka wararka
Warbaahinta Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com