Madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha gobalka Banaadir oo kulmay

HomeWararka

Madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha gobalka Banaadir oo kulmay

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa Hoyga uu Ka dagan yahay Magaalada Muqdisho Ku qaabiley Guddoomiyaha Gobolka

AMISOM iyo Ciidamada Dowladda oo Maanta Ka Baxay Deegaanka Leego
Caawa & Daljir iyo Maxamuud Cabdi Ibraahim, Daljir Bossaso (dhegayso)
Guddoomiyaha gobolka Mudug “Dad baa loo soo qabtay qaraxii caawa” (daawo)

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa Hoyga uu Ka dagan yahay Magaalada Muqdisho Ku qaabiley Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar filish).

Kulan gaar ah oo ay yeesheen labada mas’uul ayaa waxaa ay ka wada hadleen xaalada siyaasadeed ee dalka oo xilli kala-guur ah lagu jiro iyo sidoo kale wada-shaqeyn dhex-marta Maamulka Galmudug iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

In kastoo kulanka labada mas’uul waxyaabihii kasoo baxay aan Warbaahinta lala wadaagin ayaa wararka qaar waxaa ay sheegayaan in Madaxweynaha Galmudug uu Guddoomiyaha Gobolka Banaadir kala hadlay sidii uu uga qeyb-geli lahaa Shirka wadatashiga Madaxda Dowladda Federaalka & Dowlad Goboleedyada 15-ka Bisha Agoosto uga furmaya Magalada Dhuusamareeb.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: