AMISOM iyo Ciidamada Dowladda oo Maanta Ka Baxay Deegaanka Leego

AMISOM iyo Ciidamada Dowladda oo Maanta Ka Baxay Deegaanka Leego

Wararka ka imaanaya deegaanka Leego ee Gobalka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in Ciidamada AMISOM ay iskaga baxeen Halkaa oo ay ku lahaayeen fariisimo Ciidan iyada oo aan la ogeyn sababta rasmiga ah ee ka dambeysa.

Wararka ayaa intaa ku daraayo in AMISOM oo kaliya ayna deegaankaa faarujin oo ay hori usii raaceyn Maamulka Deegaankaasi iyo sidoo kale wax xoogaa Ciidamada Dowladda Gederaalka Soomaliya oo iyaguna halkaa saldhig Ciidan ku lahaa.

Dhanka kalena warar hoose ayaa sheegaya in Alshabaab ay gacanta ku heynta deegaankaasi la wareegaan saacadaha inasoo aadan, iyadoo aynu ka shidal qaadaneyno deegaano dhowr ah oo ay horaan AMISOM iyo Ciidamada Dowladda ay iskaga baxeen oo ay Durbadiiba ay la wareegeen alshabab.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com