Dowladda Soomaaliya oo barnaamijka Baxnaano ka daah-fureysa magaalada Baydhabo

HomeWararka

Dowladda Soomaaliya oo barnaamijka Baxnaano ka daah-fureysa magaalada Baydhabo

Sii hayaha Wasiirka Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS) mudane Sadiiq Xirsi Warfaa oo gaaray magaalda Bayd

Soocadde: “shacabka Sool meel ay joogaanba ha u diyaargaroobaan soodhoweynta ciidamada Puntland” (dhegayso)
Warbixinta Tartan & Tacliin: Gambool Sare fkf Faarax Maxamuud Boocame iyo , Sheekh Xaamud Secondery Iskuul (daawo)
SAAKA IYO DUNIDA CABDI CASIIS DAACAD(DHAGAYSO)

Sii hayaha Wasiirka Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS) mudane Sadiiq Xirsi Warfaa oo gaaray magaalda Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa sheegay in ujeedka socdaalkiisu yahay qiimeynt barnaamijka Baxnaano oo dowladda Soomaaliya ugu talo gashay in lagu taageero muwaadiniinta nugul ee danyarta ah.

Wasiirka ayaa sheegay in barnaamijka Baxnaano ee lagu taageerayo dadka danyarta ah uu ka socdo dhammaan dowlad goboleedyada dalka.

“Waxaan gaaray magaalada Baydhabo anniga iyo wafdi ka socda Wasaaradda, ujeeddada socdaalka waxay la xiriirtay qiimeynta Barnaamijka Baxnaano ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Mohamed Abdullahi Farmaajo uu daahfuray 18 bishii April ee sannadkan 2020ka. Barnaamijkan oo Dowladda Soomaaliya ku taageerayso Muwaadiniinta nugul, wuxuu si isku mid ah ugu socdaa dhammaan Dowlad-gobolleedyada Dalka”ayuu yiri wasiir Sadiiq.

Wasiir Sadiiq ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Soomaaliya taageero dhaqaale oo soo kabasho ah siineyso muwaadiniinta uu saameeyay Ayaxa ku habsaday qeybo ka mid ah dalka.

“Waxaa kalo sharaf inoo ah Dowladda Soomaaliya inay taageerro dhaqaale oo soo kabasho ah siinayso Muwaadiniinta uu saameeyay Ayaxa ku habsadday qaybo ka mid ah Dalka, arrintan oo qayb ka ah socdaalka Baydhabo”ayuu yiri wasiir Warfaa.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: