Madaxweynaha Gaas oo Garoowe ku qaabilay Agaaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha DFS

HomeWararka

Madaxweynaha Gaas oo Garoowe ku qaabilay Agaaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha DFS

Madaxweynaha Dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Caasimadda Puntland ee Garoowe Maanta ku qaablay wafdi kasocda Hay'adda Jinsiyadaha i

Islaan Axmed C/salaan “Dowlada Puntland dib ha ufiiriso Heshiiska 30-ka Sano ah ee Dekadda Bosaaso
Shirka arrimaha shidaalka ee Soomaaliya oo ka furmaya London, iyadoo shaki uu jiro
Warka Arooryo iyo Ayaanle Cabdullaahi Jaamac, Daljir cWaaq (dhegayso)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Caasimadda Puntland ee Garoowe Maanta ku qaablay wafdi kasocda Hay’adda Jinsiyadaha iyo Socdaalka Dowladda Federaalka Somaaliya oo uu Hogaaminayaay Agaasimaha Hay’addas G/Sare Maxamed Aadan Koofi.

Koofi iyo wafdigiisa ayaa Maalmihii ugu dambeyaay Ku sugnaa Caasimadda Puntland ee Garoowe ,waxaana Maanta labada masuul kawadda hadleen wada shaqeyn lahaa ilaalinta xaduudka Soomaaliya ay la wadaagto Dalalka dariska gaar ahaan qeybta kaga beegan deegaanada Puntland.

Dhinaca kale Agaasimaha ayaa madaxweynaha ka dalbaday in loo fududeeyo shaqooyinka ay sarakiisha Hay’addu ka hayaan deegaanada Puntland oo la xariira arrimaha Socdaalka , Basaboorka iyo diiwaan galinta ajaanibta ku sugan Deegaanada Maamul Goboleedka Puntland.

Madaxweyne Gaas ayaa balan qaaday in uu fuulin doono howlaha ay koofi kawadda hadleen,isago sheegay in uu yahay wajibaad kasaaran Arrimaha Socdaalka iyo Jinsiyadaha.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: